Dil ka dhacay Xariirad

Dhaawaca Taliyihii Kastamka Degmada Xariirad ayaa hadda la soo gaadhsiiyey cusbitalka guud ee magaalada Boorama. Taliyaha ayaa galabta laba xabo oo rasaasa madaxa uu kaga dhuftay xeer ilaaliyihii degmada xariirad xili uu taliyuhu ku sugnaa xarunta kastamka Kaasi Oo Dhawaciisu Yahay mid culus,

Read more »

Itoobiya oo Tabobar Iyo Hubayn Ku samaynaysa Maleeshiyo Beeleedka Somaliland : Khatar Ku soo fool leh Qaranimada Soomaaliya.

Mudooyinkii u dambeeyay waxa soo baxayay warar sheegaya in Itoobiya ay ku lug leedahay tababarida iyo hubaynta maleeshiyo beeleedyo ka soo jeeda Somaliland, tallaabadaas oo walaac ka abuurtay ku xad-gudubka shuruucda caalamiga ah iyo in aan si cad loo ixtiraamin madax-banaanida dhuleed iyo madax-banaanida Soomaaliya. Talaabooyinkan la sheegay in ay Itobiya qaadayso ayaa keenay in su’aalo la iska waydiiyo ujeedooyinka ka dambeeya dhaq-dhaqaaqyada noocan ah iyo saamaynta ka dhalan karta gobolka. Waxaa lagu eedeeyaa in taageerada Itoobiya ay siiso maleeshiyo beeleed ka soo jeeda Somaliland ay la xiriirto dadaallo ay ku dooneyso in ay saldhig ciidan uga sameysato gobolka. Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in taageerayaasha mashruuca saldhiga ciidamada badda Somaliland la sheegay in ay ka soo jeedaan qabiil gaar ah, halka beelaha kale ee waaweyn ee deegaankaas la sheegay in ay ka soo horjeedaan heshiiska is-afgaradka (MoU) ee sahlaya aasaaska saldhigaas. Kala qaybsanaantan qabyaaladeed waxa ay hoosta ka xariiqday qalafsanaanta iyo dareenka ku xeeran arrinta, taas oo saamayn ku yeelan karta xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka.

Read more »

Deg deg : dowlada Ethiopia oo cidaan SNM ah tobabar u qaaday

Waxa saaka dhanka itoobiya loo qaaday tababar ahaan dhalin yaro da'doodu aad u yar tahay, oo dhan 1363 Askari sida ilo wargal ah noshegeen. Waxa la sii mariyay caasimada deegaanka ee jigjiga ku waasi oo gawaadhi basas ah lagu daabulay iyaga oo ay waar diyaynayaan ama wadaan ciidanka qaranka itoobiya.

Read more »

Jabuuti & SSC Khaatumo

Kulan xasaasi ah ayaa qasriga madaxtooyda jabuuti ku dhex maray wafdiga uu hogaaminayo Hogaamiye Firdhiye ee maamulka SSC-Khaatumo. Sida warar hoose oo u helay wargeyska 4ta Febraayo ay tibaaxayaan in la isla soo qaaday dagaalkii lagu riiqday ee Laascanood ku dhex maray somaalidiidka iya dadka deegaanka. Dowladda Jabuuti ayaa ka garowday tacadiyada halkaa ka dhacay una rajaysay ummadda Khaatumo in ay ka soo kabtaan.

Read more »

Damaca Ethiopia waa ku qota dheer

Waxa Baraha bulshada aan ka arkaynay dhalintii la qalday ee u heesay jacaylka Ethiopia oo abaalgud lagu siinayo Hargeisa. Waa dhalin 20tan jira ah oo waxba aan ka ogayn taariikhda geeska Africa iyo hirdanka soo jireenka ah. Kuwan sidan u marin habaabinaya ubadkeena waa kuwii gacansaar ka la lahaa xabashida. Mingistu iyo Abiy waa iskugu mid, waa madaxdooda, waa barayaadhooda siyaasada u yeedhiya.

Read more »

Hoggaamiye Firdhiye & Reer Awdal

Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa hoyga uu ka deggan yahay caasimadda Muqdisho ku qaabilay qaarka ka mid ah odayaasha dhaqanka Gobolka Awdal oo uu hoggaaminayo Suldaan Diiriye Suldaan Axmed iyo Nabaddoon Suleymaan. Ugu horeyn, Hoggaamiyaha ayaa odeyaasha dhaqanka iyo shacab weynaha Gobolka Awdal ba ku bogaadiyey doorka shariifka ah ee ay ka qaadanayaan ilaalinta midnimada iyo jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed. Isagoona ku dhiirrigeliyey inay sii labajibbaaraan dedaalka ay ugu jiraan sidii ay u hanan lahaayeen ugana tashan lahaayeen aayahooda iyo masiirkooda.

Read more »