Maxaad ka taqaana Lughaya ?
Lughaya waa magaalo xeebeed qaddiimi ah oo ku taal waqooyi galbeed ee gobolka Awdal. Lughaya waxa ay 190 km koonfurta bari kaga beegantahay magaalada Jabuuti, 225 oo km-na waxay dhanka waqooyiga ga;beed ka xigtaa degmada Berbera. Caasimada Awdal ee Borama waxay u jirta 185 km dhanka waqooyi bari. Sidoo kale waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu weyn gobolka Awdal. Shacbka deggan waa dad xoolo dhaqato ah, sidoo kalana kalluumeysato ah, waxa ay caan ku tahay kalluunka iyo caanaha geela. Degmadan waxaa deggan dad lagu qiyaaso 85,000 oo qof.
Deegaannada hoosyimaada degmada Lughaya waxaa lagu cabbiraa dhul baaxaddiisu le'eg tahay ilaa 10,421 km kaasi oo ay ku dhaqan yihiin dad gaaraya ilaa 232,706 oo qof. Sida caadiga degmadani waxaa xarun u ah magaalada xeebta ah ee Lughaya. Magaalooyin kale ee ku hareereysan ama xidhiidhka laleh waxaa ka mid ah Saylac, Caasha Cado, Xariirad, Jidhi iyo Lawyacaddo kuwaasi oo isugu jira magaalooyin iyo tuulooyin.
Awdal oo ay ka tirsan tahay degmada Lughaya ayaa ah gobol taariikh dheer leh isla markaana lagu xusuusto xadaarad suldaannimo, boqortooyo iyo ismaamul dheer oo muddo soo jiray. Boqortooyada Adal waxay ka mid tahay awooodihii ugu caansanaa ee ka soo talin jirey gobolka Awdal. Awdal waxaa magaalo madax u ah caasimada Boorama, oo ah magaalada ugu weyn gobolka. Gobolkan waxa uu ka mid yahay gobollada ugu horumarsan woqooyiga gaar ahaan woqooyi galbeed, xag dhaqaale, waxbarsho iyo dhanka culuumta diinta. Awdaliyiinta ayaa galiyay dadaal badan oo dhulkooda ay ku horumarinayaan iyadoo ay ka xhidhan yihiin ilaaha dhaqaale sida dekedaha iyo airport, maamulka Hargaysana u hay'adaha caalamiga uu ka mamnuucay Awdal.
Lughaya waxa ku yaala ceelal shidaal oo ka la ah Heemaal 1 iyo laba, isla markaana shidaalku uu kamid yahay waxyaabaha uu deegaanku qaniga ku yahay. Ceelalkan oo la sahamiyay wakhtigii dowladii kacaanka. Damaca Ethiopia ayaa ku waajahan degmadan Awdal iyadoo rabta in dhul ahaan ay la wareegto. Dadka deegaanka dagan ee Gababuursiga iyo Ciisaha ayaa ka biya diiday heeshiiska xaraanta ah ee nidaamka Hargaysa uu la galay dowlada Abiy Axmad.