Wafdi Awdal State Movement oo tagay Jabuuti
Hogaanka Awdal State movement ayaa boqasho rasmi ah ku tagay Jabuuti iyagoo casumaad ka helay madaxda iyo shicibka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Bisha june 26dii ayay ka dageen madaarka caalamiga halkaa oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay. Bisha june 27dii wuxu wafdigu ka qayb galay dholatuskii milatary ee sanad guurada 47aad xornimada jabuuti. Wafdiga oo uu hor kacayay hogaamiyaha Awdal State Movement Dr Ali Ibrahim Bahar waxa kulano wax ku oola uu la yeeshay madax, odayo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Jabuuti iyo jaaliyada Awdal. Ummadda Jabuuti madax iyo shicib waxay taageero buuxda uu muujiyeen qadiyada Awdal.
Kulankii Awdal State & Maraykanka
Kulan jaaliyadda soomaaliyeed ee Minesota oo hormood ay ka ahayd ASM ayaa ka qabsoontay Minneapolis may 26dii. Kulankan oo ciwaankiisu ahaa « Awdal Night » ama « Habeenkii Awdal » waxaa lagaga hadlayay arimaha Awdal, gaar ahaan faragalinta qaawan ee Ethiopia ay ku hayso madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya ka dib MOU gii ay sida sharci darada ah ula saxiixatay nidaamka soomaalidiidka ah.
Waxaa si mug leh uga soo qayb galay bulshada Awdal, SSC Khaatumo, Puntland iyo waliba Kililka 5aad. Qudbadaha halkaa laga jeediyay waxay dhamaantood farta ku fiiqeen in ummadda soomaaliyeed ay u guntato difaacida dhulkeeda. Waxaana si gaar ah loo faray reer Awdal in waajibka ugu horeeya iyagu leeyihiin. Waa tii ahayd maahmaahi toos nin laa u galgasha tolna wuu u irkiya.
Waxaa la tibaaxay baahida loo qabo in Awdal ka hoos baxdo nidaamka argagixisada ah ee SNM, dadkeeduna u madax banaanaadaan masiirkooda. Waxana taa lagu gaadhi Kara in naf iyo maal u huraan qadiyadooda una midoobaan meel ay joogaanba.
Madal wadatashi qaran - Muqdisho
February 24, 2024
Kulankan aadka loo soo agaasimay ayaa dhexmaray Hoggaanka Awdal State Movement - A.S.M iyo dhalinyaradda Awdal Iyo Gabilay iyo guud ahaan jaaliyada goboladaa ee ku nool Muqdisho. Go’aano wax ku ool ah ayaa halka lagu gaadhay. Waxa la isla gartay in la dardar galiyo maamul dhiska Awdal State iyo in inta joogta caasimada ummadda somaaliyeed ee Muqdisho ay xambaarto qadiyada. Waxa halkaa lagu gooyay in xafiis Awdal State laga furo Muqdisho gudina ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada sida dhalinyarta, haweenka iyo cuqaasha laga sameeyo.
ASM iyo hogaanka dhaqanka Awdal - Muqdisho
Hogaanka Awdal State Movement ayaa qado sharaf ku maamuusay duqayda dhaqanka Awdal ee ku sugan Muqdisho. Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibaanada Awdal ku matala labada Aqal ee BFS ayaa lagu lafa guray xaaladda Awdal iyo waliba dardar galinta halganka. Waxaa la is la qaatay ka shaqaynta midnimada iyo abaabulka ku aadan halganka.
Kulan dhex maray wasiirka arimaha gudaha, federalka iyo dib u heshisiinta iyo hogaanka Awdal State Movement
Wasiirka wasaaradda Arrimah Gudaha iyo dib u heshiisiintaa Xukuumadda JFS mudane Axmad Macallin Fiqi ayaa qaabilay hogaanka Dhaqdhaqaaqa Awdal State Movement (A.S.M) Dr Cali Baxar, wafti la socday iyo xildhibaanno labada aqal ee baarlamaanka Federaalka ka tirsan oo ku matala gobolka Awdal.
Xildhibaannada Awdal ee labada aqal ee baarlamaanka JFS iyo Hogaanka A.S.M ayaa uga mahadceliyay Xukuumadda Soomaaliya mawqifka ay ka istaagtay difaaca midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee dalka, iyo diidmada heshiis ku sheega maamulka Hargaysa lagay Itoobiya.
Sigaar ah waxa ay masuuliyiinta reer Awdal uga mahadceliyeen wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta doorka uu ka qaatay qaddiyada difaaca dhulka, badda iyo gobonnimada dalka.
Waftiga iyo wasiirka ayaa ka wadahadlay sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa damaca Itoobiya ee dhulballaadhsiga iyo cid kasta oo kale oo ku soo xadgudubta qarannimada Soomaaliya.
february 8, 2023 : imaantinkii A.S.M ee Muqdisho
Soo dhawayn aad u qiimo badan oo aan loo Kala hadhin ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Muqdhisho. Waxa halkaa lagu soo dhaweeyay hogaamiyaha Awdal State Movement Dr Cali Ibrahim Baxar iyo wafti heer sare ah oo uu horkacayo.
Way ku mahadsan yihiin kooxda ka shaqayay soo dhawayntaa sharafta badan ee maalmahanba ku hawlanayd arintaasi.
Awdal mid ah, soomaali mid ah.