Qaydhiin cune
Heshiis hoose ayay wada yeesheen ilmo Xaamud Jibriil iyo jufada Gadh-xajiska la dhaho ee beeshan iidoor-ta ka tirsan. Heshiiskaasi wuxuu ahaa mid u khaasa ilmo xaamud iyo jufadaasi Gadh-xajiska ah.
18 Jul 2024 21:13
Heshiis hoose ayay wada yeesheen ilmo Xaamud Jibriil iyo jufada Gadh-xajiska la dhaho ee beeshan iidoor-ta ka tirsan. Heshiiskaasi wuxuu ahaa mid u khaasa ilmo xaamud iyo jufadaasi Gadh-xajiska ah.
15 Jul 2024 21:12
Waa maxay sababta ay muhiimka u tahay in dadka reer Awdal iyo beelaha kale ee ku dhaqan gobolka ay ku dhawaaqaan maamul u gaar ah?Waa kuwan tusaalayaal ka mid ah waxa ay wajahayaan:
12 Jul 2024 12:47
Dhawaan ayaan arkaynay oday gadh cada ah oo leh "Somaliland Isaaq ayaa leh". Tan iyo marki u dhacay dagaalkii SSC iyo jabkii ka soo gaadhay nidaamka Hargaysa, waxay ugu yeedhaan saxaafada lakiin ka madhan dhaqan saxaafadeed ku soo badanayay hadalada nacayba iyo qabyaalada aan dhar loo xidhin ee beesha Isaaq. Dhalinta SSC Khaatumo ayaa odhan jiray "waan qaawinay nidaamka SNM". Run ahaanti waxuu dagaalkaasii soo saaray wax lagu dadi jiray ereyo ay ka mid yihiin "Qaran", "Dowlad la wada leeyahay" iyo hadalo kale oo af gobaadsi ah,
7 Jul 2024 21:35
Maah-maah carabiya ayaa ahayd « wax aad dan moodo oo darxumo ku horseeda ayaa jirta ». Nidaamka Muuse Biixi january 2024 waxa uu ku kacay khiyaano uu is lahaa faa’iido ayaad ku gaadhi. Shir ayaa ku dhex maray isaga iyo Xasan Sheekh magaalada Jabuuti iyado markaa Ismaaciil Cumar Geele uu isku soo dhawaynayo labada nin oo markii horeba aan sidaa u Kala fogayn. Wakhtigii Farmaajo ayaa nidaaamka Muuse uga dhignaa jilaal daba dheeraaday. Farmaajo wuxu ka soo xidhay albaab walba oo somaalidiidka u furnaa waxan ahayn ka Jabuuti.
2 Jul 2024 22:57
Salaanta guud wixii ka dambeeya, waxaan wada ogsoonahay sheekada meel walba taala eeu xiiso badan todobaadyadan u dambeeyay ee Siilaanyo ka wareeray inay tahay gooni isku taaga maamul goboleedka loogu magac daray Awdal State. Arintaa gooni isku taagu doodbadan bay ka dhex abuurtay dadka reer sheekh Samaroon. Qof taageersan iyo ku diidmo cuskadayba af iyo qoraalba ku muuji fikradooda. Wax iswaydaaris baa darane kolayba dood furani wanaageeday leedahay. Qof walbana waa u xor fikradiisa oo dunida maantu waa dimuqraadi wixii aan ahayn Siilaanyo iyo SNM-tiisa oo dawadoodu noqoneyso Awdal State.