Maah-maah carabiya ayaa ahayd « wax aad dan moodo oo darxumo ku horseeda ayaa jirta ». Nidaamka Muuse Biixi january 2024 waxa uu ku kacay khiyaano uu is lahaa faa’iido ayaad ku gaadhi. Shir ayaa ku dhex maray isaga iyo Xasan Sheekh magaalada Jabuuti iyado markaa Ismaaciil Cumar Geele uu isku soo dhawaynayo labada nin oo markii horeba aan sidaa u Kala fogayn. Wakhtigii Farmaajo ayaa nidaaamka Muuse uga dhignaa jilaal daba dheeraaday. Farmaajo wuxu ka soo xidhay albaab walba oo somaalidiidka u furnaa waxan ahayn ka Jabuuti.
Muuse hadaba iyadoo meel fiican wax u marayaan, xidhiidhigii Farmaajana ka neef goostay ayuu MOU la galay Ethiopia. Wuxu isku kiciyay mawjado ay adagtahay ka dabaalashadoodu. Jabuuti ayaa aragatay iyadoo cidla taagan. Waxay arkeen in somaalidiidka ay hoosta ku haysteeni ay ula mid ahayd nin abeeso korsaday. Iyadoo wareerkaasi jiro ayay soo baxday qiimayntii Dekedaha Calaamka oo Jabuuti iyo 7dii dakadood laga tuuray meel dheer Berberna la maamuusay. Waagii ayaa ku baryay Jabuuti oo aragtay iyada oo dhexda ugu jirta halis wayn. Waxay ka milicsatay daaha dabadiisa Imaraadka oo si ba’an isku hayaan. Isla Imaraadka ayaa xulafa dhow la ah Muuse Biixi iyo Abiy Axmad. MOU gu waa dabin Jabuuti loo qoolay Muuse iyo Abiy, mid waliba dantiisa ka arkay. Nina bad ayuu u haraad qabaa, nin ictiraaf ayuu toosh ku raadinayaa.Waa sidii sadeexdii dibi ee waraabuhu u Kala waramay. Ogow oo dibi cas waa Jabuuti.
Madaxwayne Geele wuxu qaatay qaraar qadhaadh oo ah in u ka huleelo xaalifkiisii 30 sano. Wuxuu go’aan ku gaadhay sidii mashruucaa cimaada iyo cigaalka carbeed leh u guul daraysan laha. Warar ka hoose waxay tibaaxayaan in madaxwayne Geele iyo madaxwayne Xasan ay isku af garteen la dagaalanka Somaalidiidka oo hada kaga wayn la dagaalanka argagixasada. Talaabooyin muuqda ayaa markiiba la qaaday :
1. In Awdal State la dhiso sida ugu Dhakhsaha badan2. In la soo dhawaysto SSC Khaatumo in dhow Xasan Sheekh hangool iskaga hayay3. Xasan Sheekh wuxuu shiriyay inta wayooqi kaga jirta goleyaasha isaga oo farta u lulay oo yidhi halkan somaalidiidka lagama mahadiyo hadeed3. Sharci ayaa durba la baasiyay argagixasada ku daraya gooni u goosadka4. Awdal State Movement ayaa looga yeedhay Jabuuti albaabada janadana loo furay xili xaaladu ku adagtahay5. Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa Firdhiye waydiistay in uu Jabuuti isna iska xaadiriyo
Maxaase u yahay qorshaha ka dambeeya ?Kula soco faaladayada dambe.
@Miyirsame
Add comment
Comments