Dhawaan ayaan arkaynay oday gadh cada ah oo leh "Somaliland Isaaq ayaa leh". Tan iyo marki u dhacay dagaalkii SSC iyo jabkii ka soo gaadhay nidaamka Hargaysa, waxay ugu yeedhaan saxaafada lakiin ka madhan dhaqan saxaafadeed ku soo badanayay hadalada nacayba iyo qabyaalada aan dhar loo xidhin ee beesha Isaaq. Dhalinta SSC Khaatumo ayaa odhan jiray "waan qaawinay nidaamka SNM". Run ahaanti waxuu dagaalkaasii soo saaray wax lagu dadi jiray ereyo ay ka mid yihiin "Qaran", "Dowlad la wada leeyahay" iyo hadalo kale oo af gobaadsi ah,
SSC Khaatumo way is xoraysey. Dadka hada lagu tilmaamayo la haystayaasha waa ummadda Awdal ee Gadabuursi iyo Ciise leh. Dhaqdhaqaaqa Awdal State iyo albaabada u garaacayna waxay kordhisay dhaka faarkii aan dawada loo haynin ee beesha Isaaq ka haystay mustaqbalkeeda. Kolba dhan ayaa loo cararay illaa la yidhi Oromaan nahay, oo hada ninbaaba abaagadhe isku caleemo saaraya maalmaha dhow.
Dadka Awdal wali waxa ku socda dagaalka qabow ee loo soo marinayo xisbiyada iyada oo dad iyaga ka mid ah la caleema saarayo. Waxa dhagaheena ku soo dhacaya in dhow "Wadani waa rajada reer Awdal". Ma is waydiisay maxay tahay rajada uu u soo wado dakeena ? Muxu aaminsan yahay Wadani ee ka duwan waxa uu aaminsan yihiin Kulmiye iyo Ucid ? Miyaanay ahayn rag ilmaadeer ah oo kursi u kala tartamaya ?
Wadani go'a uu rabo ha soo huwado lakiin intan wuu kala siman yahay kuwa kale :
1. Somaliland ay Isaaq leeyihiin waa muqdas agtiisa (ninka Awdal ahi sida xisbiyada kale ayu kuxigeen 3aad ama 4aad ka yahay)2. Somaalidiinimada wuu ku raacsan yahay ka mana hor iman karo (dadka Awdal waxay rabaan somaalinimo)4. Dhulka dadkeena ee lagu dhul balaadhsanayo ee Gabilay, Wadani isaga ayaa u balan qaaday Isaaq in uu gobol ka dhigo 6 goobood ee ay xanibteena ugu daro, Muuse ayaa ka boobay fikirka4. MOU gii Muuse saxeexay ee dhulka Awdal axmaar lagaga iibiyay Wadani wu tageeray wuuna hirgalin doona haddi u talada qabto
Rajada uu soo sidaa ma waxay tahay kuruska han cuno adna cad quudheed ayaan kuu tuuri ? Kuwa ku jira xisbiga ama inta la ordaysa eraygan "waa rajada Awdal" ee loo dhiibay, wax ma laga waydiiya qorshayaasi halista ku ah jiritaanka ummadeena iyo dhulkeedaba ? Jawaabtu waa maya. Sida ka dhacda guriga Morgan ee aan loo sheegin Saylici marka shir xasaasi ah la galayo, kuwa ku jira Wadani ee Awdal ayaan matalnaa lihi lagama qayb galiyo shirarka oo dhan. Gudiyada qaarkoodna kumaba jiraan oo waa uu gaar beesha Isaaq. Xeelada sidaasi ay ku dhacdo ayaa ah in dad kooban la soo xusho laguna sharfiyo gudiyo hawleedyada sida kuwa qabanqaabada, abaabulka, dhaqaala ururinta iwm.
Kulmiyaan ka guurayaa oo Wadani ayaa rajo ii soo wada waa aqli xumo halkii u hosaysay. Waa kud ka guur oo qanjo u guur. 33 sano ayaa loo kala ordayay kolba xisbi laakin siyaasada ku waajahan Awdal wax iskama badalaan. Waayo nidaamka ayaa sidan u samaysan. Horaa loo yidhi hal xaarani nirig xalaal ah ma dhasho. Sidee ayaad uga fili cadaalad nidaamka beelaysan oo ku salaysan qodobadii Qaaxo ?
Adiga oo wax aad leedahay yeelan kara, sidooda xisbiyo aad leedahay ku tartami kara, maxaad waxooga ugu sacabo tumi ?
@Miyirsame
Add comment
Comments