Boggan waxaad ka heli doontaan maqaalo ka waramaya taariikhda Awdal iyo tan somaalida ba. Wixii maqaal ah waad noo soo gudbin kartaan.

UGAAS CALI - ugaaskii 1aad

Ugaas Cali Abokor Muuse (Cali Makahiil-dheere) wuxuu ahaa Ugaaskii barakada lahaa ee ugu Horeeyay Ugaasyada Gadabuursi waxana lagu caleema saaray Gabiley, dabadeedna waxa la geeyay Baki sidii cadaadu ahayd ,halkaas ayaa dharkiisa hore lagaga badalay, loona galiyey dharkii boqornimada.

Read more »

Ayu aha Ugaas Doodi

Ugaas Doodi Ugaas kii 16aad ee Gadabuursi wuxu aha oday somaaliyeed oo ay ku wayntahay in ummaddisu xor ahaato. 1940 kii ayuu bilaabay ol ole uu kaga hortagayo qorshayaal halis ku ahaa ummadda Gadabuursi iyo somaaliba. Ugaas Doodi wuxu diiday in Xayle Salaase ka taliyo dhulka somaalida oo markaa la odhan jiray Reserved Area. Ingiriiskana wuxu si cad ugu sheegay in dhulka somaalida an la Kala jari karin. Wuxu abaabulay cabasho-qoraal ama waxa maanta loo yaqaana Petition uu u gudbiyay gumaysigii Ingiriiska.

Read more »

Ugaas Nuur II

Ugaas Nuur kii labaad (Ugaas Nuur Ugaas Rooble , Arabic: سلطان نور سلطان روبلي ) loo yaqaan Ugaas Nuur Ugaas Robleh wuxuu dhashay 1835 wuxuu dhintay 1898. Ugaas waxaa taariikhda loo yaqaana in uu ahaa boqor soomaaliyeed iyo suugan yahan. Ugaas Nuur 2 wuxuu ahaa ugaaskii 11 aad ee beelaha Gadabuursi. Waana ka ugu caan san isago wakhti dheer noola iyo duruufaha intii u beelaha boqorka u ahaa soo waajahay. Ugaas Nuur waa ninka heeshiisyada ugu badan ee boqor soomaaliyeed galo galay, isagoo la macaamilay Ottamn Empire, Egypt, France iyo Angland. Ragg badan ayaa wax ka qoray oo meel dheer uga soo safray si ay ula kulmaan Ugaas Nuur, isagoo waayadaa ahaa nin abood badan ku leh geeska Africa.

Read more »