Ugaas Cali Abokor Muuse (Cali Makahiil-dheere) wuxuu ahaa Ugaaskii barakada lahaa ee ugu Horeeyay Ugaasyada Gadabuursi waxana lagu caleema saaray Gabiley, dabadeedna waxa la geeyay Baki sidii cadaadu ahayd ,halkaas ayaa dharkiisa hore lagaga badalay, loona galiyey dharkii boqornimada.
Ugaas Cali waxa uu boqornimada qaaday kolkay taariikhdu ahayd 1607dii Miilaadiga, waxuuna ku dhashay meesha la yidhaa Dhoobo kolkuu sanadku ahaa 1575 Miilaadiga, Hooyadii waxa la odhan jiray Khadiija Sheekh waxayna ahayd Daarood (Gari-aba-yoonis). Ugaas Cali wuxuu ahaa nin aad wax u yaqaan,oo wuxuu aad ugu xeel dheera diinta Islaamka.wuxuuna wax ku bartay Harar iyo Saylac. Sheekhyadii wax baray waxa u waynaa Amiir Nuur (Sheekh Nuur Yoonis Muuse) oo ka mid ahaa culimada ahaana ina adeerkiii.
Ugaas Cali luqada Carabiga wuu akhriyi iyo qoriba jirey, wuxuu ahaa nin caalima ah wixii dhib ahna ka durka, wuxuuna ahaa nin aad u qurux badan oo dheer, waxaana uu lahaa gadh wayn oo laga haybadaysto. Ugaasku waxa uu lahaa aftahanimo kol haduu hadlana laga wada dhagaysto, waxaana la sheegay kitaab quraan ah oo uu ku qorey gacantiisa inuu jiro kolkii uu boqornimada qaaday.
Ugaasku waxa uu noqday nin aad loo adeeco, oo dadkii kala tagsanaa ayuu isu keenay,isaga oo ku dhaqmaya xikmadiisii (Gadabuursi Bah maahee waa beel), aad ayuuna ugu daadaalay sidii qabiilka looga fogaan lahaa ee loo midoobi lahaa.
Ugaas Cali waxa uu geeryooday 1639 Miilaadigii, wuxuuna ku geeryooday oo lagu aasay Gabiley, waana la siyaarta qabrigiisa.
Add comment
Comments