Ayu aha Ugaas Doodi

Published on 5 July 2024 at 22:05

Ugaas Doodi Ugaas kii 16aad ee Gadabuursi wuxu aha oday somaaliyeed oo ay ku wayntahay in ummaddisu xor ahaato. 1940 kii ayuu bilaabay ol ole uu kaga hortagayo qorshayaal halis ku ahaa ummadda Gadabuursi iyo somaaliba. Ugaas Doodi wuxu diiday in Xayle Salaase ka taliyo dhulka somaalida oo markaa la odhan jiray Reserved Area. Ingiriiskana wuxu si cad ugu sheegay in dhulka somaalida an la Kala jari karin. Wuxu abaabulay cabasho-qoraal ama waxa maanta loo yaqaana Petition uu u gudbiyay gumaysigii Ingiriiska.

Taasi waxay keentay in gumaystuhu ka cadhoodo. Ugaas Doodi waa la xidhay dalkana laga mustaafiriyay muddo 7 sanadood ayu jasiirad ka mid ah Seychelles ku xidhnaa. Waa meeshi lagu xidhi jiray indhow budhcad badeedka. Lakiin Kama tanaasulin mabdi’iisii fayooba. Dabadii waxa la helay odayaal aqbala wixii ay wateen Ingiriis iyo xabashi. Sidii ayaana lagu bixiyay dhulkii somaalida.

Markii arintii la dhamaystay ayaa la soo daayay Ugaas Doodi. Hadana waxa lagu xidhay mar labaad jasiirada Sacaadadiin ee Saylac agteeda. Markii uu geeriyooday waxa ka dhaxlay inankiisii Ugaas Rooble oo ah ugaas Cabdirashiid ugaas ka hadda aabihii. isagana waxa Jigjiga ku dilay nidaamkii Mingustu 1977, isaga iyo aqonyahano iyo odayaal raacsanaa qadiyadii Somaali Galbeed. Waxa la sheegaa in odayaal ay soo basaaseen oo u sheegeen sirdoonka aqal ay iskugu imaan jireen.

Odayada ayaa aaba ka aha ummadda Gadabuursi hooga la horseeday, odayaal wax yar ka qaata gumaystaha ama nidaamyada jira. Odayada maanta meel kasta yaacaya ee cimaamada dhiiga leh sita waa kuwii Ugaas Doodi jeelka u diray, ogolaaday dhulkoodi Itoobiya lagu daro, ee waliba dil u qoolay Ugaas Rooble 1977.

Maxaan ka baran karnaa :

1. Ugaas Doodi in u ahaa ilbax yaqaana waxa u dan ah ummaddisa iyo somaali. Petition ayuu qoray 1948 kii xili somaali aqoon badan lahayn.2. Nin meel dheer wax ka arka, sadaalin caafimaad qabtana leh. 3. Lakin waxa helay odayaal doqmo ah oo ku qanca mishahar yar oo la siiyo. Kuwii ayaa wali ummadda hor taagan oo kolba nidaamkii yimaada u shaqeeya, dhaxalna isku siiya gunimadii ay bilaabeen 80 sano ka hor.

Dhalintaa looga fadhiyaa in ay is badal xalaal ah keenaan odayadana ummadda geed ka saaran.Gadabuursi waligii wuxuu u taagnaa difaaca sharaftiisa iyo ta ummada somaaliyeed. Somaalibaa lakiin dadkeena hagratay. Waase laga bixi oo la la xisaabtami mardhow.

Add comment

Comments

There are no comments yet.