Wargeyska 4ta Febraayo
Wargeyka 4ta Febraayo waxa loo aasaasay si codka ummadda goboladda Awdal & Gabilay kor loogu qaado. Magaciisu wuxu ku qotomaa taariikhda maalintii madoobayd ee 4tii Febraayo markii jabhada argagixasada SNM oo ay wehiliso TPLF xasuuq ba'an ka gaysteen magaalooyinka Dilla iyo Boorama. Wargaysku waxaad kala socon kartaan warar hufan, maqaalo taariikhi ah, falanqayno dhanka siyaadda iyo bulshada iyo sugaan kala duwan.
Wargeysku wuxu rabaa in wacyiga dadka u kor u qaado oo u qayb ka noqdo kobcinta aqoonta daciiftay iyo wanaajinta is dhexgalka bulsho iyadoo xooga la saarayo somaalinimada lagana dheeraanayo kala qooqobka ummada. Ku soo dhawaada wargayka 4ta Febraayo oo mareegtan laga daalacan karo iyo Facebook ga iyo barta Twitter ka. Wargayku wuxu ku soo bixi doona hab PDF ah oo dadku ay dajisan karaan.
Halka hoose ayaan ka dajisan kartaan wargeyska oo PDF.