SNM baa ku horeysay oo diiday Siad Barre. Ninba waa mare waa markii Awdal State

Published on 2 July 2024 at 22:57

Salaanta guud wixii ka dambeeya, waxaan wada ogsoonahay sheekada meel walba taala eeu xiiso badan todobaadyadan u dambeeyay ee Siilaanyo ka wareeray inay tahay gooni isku taaga maamul goboleedka loogu magac daray Awdal State. Arintaa gooni isku taagu doodbadan bay ka dhex abuurtay dadka reer sheekh Samaroon. Qof taageersan iyo ku diidmo cuskadayba af iyo qoraalba ku muuji fikradooda. Wax iswaydaaris baa darane kolayba dood furani wanaageeday leedahay. Qof walbana waa u xor fikradiisa oo dunida maantu waa dimuqraadi wixii aan ahayn Siilaanyo iyo SNM-tiisa oo dawadoodu noqoneyso Awdal State.

Akhristayaasha qaaliga ahow aniguna manta qoraalkaygu nin dacwiyay dantii hadale bal tayda aan sheego ee wakhtigiina qaaliga ah isiiya.Wax walba hortii aan ka jawaabo su’aasha inta badan dhagahayga kusoo dhacaysa ee odhanaysa maxaa keenay ku dhawaaqida maamul goboleed la yidhaahdo Awdal state wakhtigan xaadirka ah?

Aniga oo u gali doona tafaasisha qoraalkaygan aan sida ugu jilicsan jawaabteeda su’aashaa u dhiibo; Gooni isku taaga Awdal State wakhtigaa keenay iyo duruufaha ka jira maamul goboleedka loo yaqaano Somaliland ee SNM-tu ka talinayso. Wax Soomaali ku cusub maaha oo waa looga horeeyay Samaroonka oo waxa ka markhaati ah beelaha dhexe markay ku dhawaaqeen diidmo la diido diktaatoorkii Afweyne ee SNM la abuuray. Waata ku dambeysey maamul goboleed loogu magac daray Somaliland oo ka goosatay Somalia oo maanta kaligood ka talinaaya arligii loo yaqaanay woqooyiga Somalia kadib markay jabiyeen heshiiskii lagu gaadhey Borama ee calanka Somaliland lagu taagey. Dadka qaar baan ka maqlaa yaga oo ku dacwiyaaya inayna Awdal State suuro galayn yaga oo cuskanaaya arimo yagu iska iman doona oo wakhti uun u baahan inta badana hoosta ka xariiqa dhismo iyo abaabul guud oo ayna lahayn Awdal State. Kuwa kalaan ka maqlaa yaga oo afka soo marinaaya maanta Samaroon balaayo maqabee Somaliland inakaa le ee dhulka aayar an joogno. Kuwa kale ayaad dacwadooda layaabi oonad garanaynba ujeedo uga dambaysa oo ah kuwa hadalka maya uun ka yaqaana. Arintu si walba ha ahaato akhristow midi inay moron gasho maaha. Inay qowmiyada Samaroon xaq u leeyihiin hagaajinta masiirkooda iyo mustaqbalka caroortooda. Inay xaq u leeyihiin inay mustaqbalkooda u tashadaan oonay u daba joogin beelo kale oonan marnaba u damqanayn mustaqbalka caruurtooda. Wax la hamiyo oo markaaba dhacaa ma jirto. SNM-tu habeenuun kuma riyoon kacdoonkoodii oo hagaagay isla aroortiina kumay soo toosin ujeedadoodii oo hirgashay. Aduunku maantu sida uu yahayba ma ahaadeen hadii aad aroortaba helayso waxaad ku riyootay habeenkii ku dhaafay.

 

SNM siday ku abuurantay :

Waa siday sheegeene SNM-tu waxay ka abuurantay diidmo la diiday cadaalad daridii kalidii taliyihii Afweyne. Waxayna ka abuurantay fikrad ka timid dhowr qof oo Isaaqa oo qurba joog ahaa gaarahaana ku noolaa wadanka Ingiriiska iyo wadamada Carabta. Waxay bilaabeen dabayaaqadii 1978kii olole ku aadanaa inay dadkooda wacyi galiyaan yaga oo ka dhaadhicnaya dhibta ay ku qabaan xukuumadii Afweyne. Waxana ololahaa wadanka gudihiisa si qarsoodi ah uga hirgaliyay gudiyo ka koobnaa waxgarad, indheergarad, madax dhaqmeedyo, dhalinyaro, ganacsato, iyo shaqaalihii dowlada. Gudiyadaasi waxay sare u qaadeen shucuurtii, damiirkii, damqashadii iyo wadaninimadii dadka.

Waxay ahayd April 6, 1981kii magaalada London caasimada carriga Ingiriiska markay si rasmi ah ugu dhawaaqeen ururkii SNM iyo himiladooda.Isla sanad ayay SNM qaaday talaabo kale oo fidis ah yaga oo xafiis ka furtay Itoobiya. Waxay ahayd February 1982kii markay bilaabantay inay saraakiil badan oo ciidanka Afweyne ku jiray iyo shaqaalaba soo goostaan. Waxay guushii gaadheen markay budkii iyo bisadii kulmeen (waa hadii aad garanayso waxaan u jeedo) oo aysoo galeen wadanka. Waxayna maanta marayaan dowlad goboleedka loo yaqaano Somaliland oo uu Siilaanyo madaxa ka yahay. Waxaan uga danleeyahay een sheekadaa SNM-ta usoo qaaday aniga oo u jawaabaya dadka samaroon ee ku dacwiyaaya inay Awdal State dhalin yaro qurba joogii tashadeen oo ay ku dhawaaqeen wax aan suuro galeen. Waxaan usoo qaatay aniga oo u jawaabaya dadka qaarkood oon ka maqlay Awdal State maamul male, yaa ka madaxa, yaa ka tashaday iwm.

SNM dhowr qof oo qurbo joog ah bay ku bilaabantay sida lawada ogsoonyahay. Waxyina kumasoo dagin maantana wataa dusha Somaliland kaga joogta. Awdal State waa lagu dhawaaqay, way kori oo ay xididaysan, maamul yeelan oo himiladeeda ay gaadhi oo ay dadkeeda xoreyn. Halkaasna waxa gaadhsiin dhalinta maanta ee garatay waxaan garanweyney hadii aan nahay soo jireenka ah da’deyda iyo wixii ka weyn ee masaxay sharaftii iyo magacii dheeraa ee awowyaasheen inooga tageen. Kuweena waaweyn ee cunay mustaqbalkii caruurtooda ee qayrkood iska celin waayay ee waliba u hiilin waayay dhalintooda.

SNM waxa dhisay dadkooda. SSC waxa dhisay oo adkeeyay dadkooda. Awdal state-na dhalinteedaa u nool in la taageerana waa inagu wada waajib. Dhalintuna yagaa u damqaday oo u diyaara daryeelkeeda iyo difaaceedaba. SNM haday ka dhiidhiday oo ay diiday xaqdaro, kali talisnimo, cadaalad xumo iyo gumeysi uu ku hayay Afweyne, Dhalinta samaroona xaq bay u leeyihiin inay diidaan xaqdarada Siilaanyo iyo dowladiisa ku dhisan kali taliska beel qudha oo ay ku dhawaaqaan gooni isku taag maamulkeedu u gaar yahay, wacdi galiyaan dadkooda. Dhamaanteena waa taageeristooda ta ina saarani. Runta yaan laga weecan gadabuursow oo dhowr nin oo uu mishaaro siiyo Siilaanyo loo baabiin mustaqbalka caruurteena. Wakhtigaa keenay Awdal State. Geel laba jir soo wada mar. SNM-tuba soo martay oo way diideen qabiilo qudha oo dadkoo dhan u talisa. Ninba waa mare waa maalintii dhalinteenu diiday SNM-ta Somaliland iyo kali taliska beeleed siday yaguba u diideen xaqdaradii iyo kali-talisiiskii Afweyne ee hadii aan hore uga seexanay ilaalinta mustaqbalkooda
maanta ayay taagantahay inaan taageerno dhalinteena.

Somaliland siday ku abuurantay iyo sidii lagu heshiiyay :

Waxa markhaati madoon inay Somaliland ku abuurantay heshiis ay wada gaadheen beelaha
kuwada nool woqooyiga Somalia. Heshiis ku dhisnaa walaaltinimo, wax wada qabsi iyo dowladnimada oo lawadaago isku duubnina loo daryeelo. Heshiis saldhigaayay nabada oo la ilaasho, cadaalada oo dadka u dhaxeysa, khayraadka wadankana lawadaago. Somaliland-tii lagu heshiiyay sidaas bay u dhigneyd oo cid walba ay garaneyso.

Somaliland waxay ku dambaysay :

Labaatanka sanadood iyo waxa ka badan intay Somaliland jirtayba dariiqii wadajirka ahaa ee balanta lagu gaadhey waa laga leexday oo Somaliland-tii lagu heshiiyay waxa lagu jeediyay dariiq cusub oo ku salaysan qabiil oo magacii Somaliland maqaar saar buu ku dambeeyay runtiisuna tahay Isaaqland. Maanta hadii aad eegto akhristow sida ay u dhisantahay dowlada Siilaanyo iyo golayaashuba waxa hubaal ah inaanay caad saarneyn Somaliland inay tahay meel qabiilo qudhii leedahay. Cadaalad hadalkeedaba dhaaf. Dhinac walba u jeedi Somaliland maaha tii lagu heshiiyay. Maanta waxa wadanka heystaayi waa SNM-tii dambiga ka gashay beelaha darifka ah gaar ahaan Gadabuursi. Somaliland waxay ku dambaysay tii Afweyne lagu diiday. Beelaha xaqoodii la dhacay ee darifkuna xaq bay u leeyihiin inay SNM-ta ka diidaan gumeysiga casriyaysan. Awdal State iyo SSC waa afhayeenada danta guud ee beelaha darifka waxayna barbar dhacayaan kacdoonkii SNM.

Sida hada ay tahay Somaliland waa magacuune SNMland weeyi runteedu. SNM-ta Siilaanyo maamulkeeduna sida aan wada ogsoonahay salkuu dhigayaa musuqmaasuq, cadaalad daro, qabiilo kiil iyo fulintii siyaasadii SNM ee cuqdada iyo wax walba kaliday ku Mustaqbalka Somaliland; Siilaanyo waxa lagu yaqaanaa inuu yahay taageere Somaliweyn. Afkiisana hore waa looga hayaa hadana siyaasadiisu siday u jeedo waa ku noqod Somali-weyn. Sida laga warqabo waxa socda dhaqdhaqaaq ay wadaan jimciyada quruumuhu oo ku aadan soo noolaynta wixii la odhan jiray Somalia. Sirna maaha inuu Siilaanyo saxeexay arintaa shirar horena ka qayb galay. Shirarka cusub oo sida la shaac bixiyay ka bilaami doona Nairobi waa loo yeedhay oo diyaar buu u yahay ka qayb galka.

Waa shir loogu wada yeedhay maamul goboleedyada magacdoodu u dambayso “Land” sida Puntland, Jubaland, Maakhirland, Somaliland iyo kuwa kalaba. 

Siyaasada Somaliland laba shinbirood bay ku dilaysaa dhagax qudha:

  1. 1.Inay Somaliland noqoto
    haday sii jirto Isaaqland oo la fuliyo siyaasadii SNM.
  2. Inay dowlada SNM-tu gorgortanka ku gasho Somaliland
    ahaan si ay qayb libaax u hesho.

Fulinta arintaasi xoogaabay ka xumaatay oo waata SSC Somaliland diiday oo yagu way u fadhiyaan ilaalista xaqooda. Waxa markaa u hadhay Siilaanyo inuu
ku shaqaysto Gadabuursi oonan ilaa hada lahayn maamul goboleed si rasmi ah u shaqeeya. Taa macnaheedu waxa weeyi xaqii Gadabuursi wuxuu ku dhex jiraa maamul goboleedka Isaaq oo ku gorgortami doona Somaliland magaceeda. 
Markay howshu dhamaato hadii Somali-weyn lagu noqdo wixii Somaliland loo
qoondeeyo waa wax hubaal ah inay beesha dhexe oo qaybteedu ahayd Somaliland iska yeelan doonto. Gadabuursina wixii ay helaan waxay ku xidhnaan doontaa kolba siday beesha dhexe wax ugu garato. Waana ayaan daro inay Gadabuursi dhanwalba seegaan oo tan maanta joogta ee Somaliland xaq ku yeelan ta imaneysana xaq ku yeelan wakhti walbana aan beesha dhexe daba joogno. Sida qudha ee arintaa looga badbaadi karaa waa Gadabuursi oo yeesha xeelad ay ku gorgortamaan sida SSC si ayna u daba joogsan maamul goboleedka Siilaanyo oon xaqeena loogu dhiibin SNM . Waana taas ta daruuriga ka dhigaysa in la hirgaliyo maamul goboleedka Awdal State. Sidaa daraadeed waa lama huraan in ay Gadabuursi isku duubnaadaan oo ay taageeraan kacdoonkaa dhalinta oo la xoogeeyo maamul goboleedka Awdal State.

Haday Somaliland sii jirto;

Haday Somaliland sii joogto oo Somali-weyn suuro gali weydo oo la taageeri waayo Awdal State oo la dhinac gali waayo dhalinteena, Awdal halkay ku dambayn waad wada garanaysaan oo umma baahna balbalaadhis ee ogow inay Somaliland u ekaan:

  • Xusbiyo wada Isaaq ah oon kolba u kala codeyno
  • Madaxweyne Isaaqa mar wal oo doorasho la sameeyo
  • Awood laawe kursiga rakhiiska ah ee lagu magacaabo M/weyne ku xigeen oo
    Gadabuursi la siiyo
  • Laba wasiir oo maqaar saara oo awoodna lahayn oo Gadabuursi lagu tuuro
    oon isku layno
  • Shaqaalaha dowlada oo la hubiyo ineyna Gadabuursi ka badan .05%
  • Dhulkeena oo la qaato oo Gadabuursi lahaansho loo diido
  • Dakadaha iyo dariiqyada dhulkeena oo la dhisi waayo oon xamaaliin uun ka
    ahaano Berbera aan ahaanana iibsade.
  • Dhalinteena oo shaqo gabi ahaanba loo diido oo ciil ay maalin walba isku
    daldalaan.
  • Magaceena qaaliga ah ee Gadabuursi oo lagu lifaaqo waxaanan rabin inaan
    halkan ku xariiqo
  • Iyo waxyaalo kale ood wada dareemi kartaan.

Ku socto beel-weynta Gadabuursi :

Hore waxaan u rumaysnaa in mustaqbalka gadabuursi ku jiro jiilka maanta. Waana kuwaa go’aanka ku gaadhey inay mustaqbalkooda gacmahooda ku qaataan eeku dhawaaqay maamul uu Gadabuursi yeesho mulkiyadeeda oo laga maarmo in danta guud loo daba joogo beel kale oon u daneynayn mustaqbalka caruurta
Gadabuursi. Waa kuwaa ku dhawaaqay Awdal State. Markay beesha dhexe diideen gumeysigii Afweyne afar nin oo London (England) jooga ayaa ku dhawaaqay kacdoon. Maantana yagiibaa masilaaya Afweyne oo ku jira siyaasad qabiil talis ah oo barwaaqo hadlaaya. Xaq bay u leeyihiin dhalinta Gadabuursi inay raadsadaan xaqooda. SNM iyo SSC dadkoodaa sare u qaaday ee Gadabuursow taageera dhalintiina oo adkeeya Awdal State. Gadabuursow taageera Awdal State oo iska xoreeya daba jooga aad danihiina u daba joogtaan Siilaanyo maamulkiisa. Gadabuursow Awdal State adkeeya oo idinka oo isticmaalaya lahaanshe maamul goboleed xaqiina ku doonta oo diida inuu Siilaanyo idin isticmaalo idinkoo la idinku tirinaayo maamul goboleedka Hargeysa.

Dadkeena qaarbaa ku dacwiyaaya maalinteedii ma joogno.

Labaatan sanadood baan samraynay oon lahayn baribay si uun noqon oo maalinba maalinta ka dambaysa xaqeenii god hoos loogu ridaayay. Reer Boramow runta aan isku sheegno, waar bal hareertiina eega. Komanaakumkaa tuman suuqa ee jaamacadaha dhameeyay ee bilaa shaqo jooga xaqoodii halkuu ku dambeeyay. Mase ogtihiin inay qeyrkood aroortii kalahaan oo xafiisyada Hargeysa ee dowlada iyo ha’adahaba loo diyaarshay. Waar bal waxa socda u fiirsada. Shaqaalihii gadabuursi ee daacada ahaa ma xaqbaa inuu kolba wiil yar oo miyiga laga keenay madax looga dhigo oo kolba uu askari ugu yeedho albaabka ka saara. Gadabuursow Somaliland-ta aad sameyseeni eed ku dacwiyaysaan mulkiyadeedu ma taasay ahayd bilaahi calaykum?

Gadabuursow dowladii timaada ee Isaaq uu dhiso kolayba laga waayi mayo dhowr Samaroon ah. Haddi aan ku weyno xaqeena kolba sadex SNM-ta u shaqeysa oo aan ku cuno mustaqbalkii caruurteena goormaan wax qabsanaynaa. Gadabuursow kolba nin SNM-ta u shaqeeya hadii aan sugno sideed sanadood oo aan nidhaahno lagama hadli karo xaqeena qof daraadii waar curigaa la yidhaa dhashiisuu cunaaye miyay nu cunaa caroorteena.

Iskusoo wada xoori;

When decorum is repression, the only dignity people have is to speak out”. And that is what created Awdal State. Markii cadaadis iyo cadaalad daro lagu xaragooday ee xaqii Awdal la diiday een waxba qabsan weyney ayay dhiidhiday dhalinteenu oo Awdal State ku dhawaaqeen ee dadka waaweyn ee Samaroonow hadii aan soo ridi garanweyney xaqa dhalinteena yagaa soo ridanaayee arintooda u daaya oo taageera.

Markaad halkaa joogto akhristow fadlan sara joogso oo igula dhawaaq: Awdal State ha noolaato. Dalinta Gadabuursi ha noolaadaan.

Waxaan garanweyney baad garateene na horseeda oo noolaada… Isku duubnaada oo marnaba hakala jabina oo ogaada waxaan laga hadhin waa la helaaaaaaa.… Cid idiin maqani ma jirto oon ahayn naftiina. Maskaxdana ku haya “No pain no gain…”.
SNM baa diiday Afweyne idinkuna diida SNM  waad kartaan … Yes you can do it. Guushuna waa aktiina oo waad laaci kartaane ogaada iskuduubni iyo wadajir inaanan la jabin Karin.

 

Suleyman Cabdi Dugsiiye (2011)

Add comment

Comments

There are no comments yet.