Ha loo sheego inta beenta ku caana maasha ee u ordaysa in ay ummadda isir wareejiso waxa ay Awdal tahay. Nabi maxamed salaam iyo nabad galyo korkiisa ha ahaate ayaa la waydiiyay qof Muslim ahi miyu wax xadi karaa, Haa ayu ku jawaabay, miyu sinaysan kara, Haa, miyuu been sheegi kara : maya ayu yidhi suubanuhu. Waxaad ku darsataa xadiiskii ahaa ilaahay qiiyaamaha ma soo eego 3 qof oo u ka mid yahay boqor beenaala ah oo dadkiisa been ku hagaya.
Intaa marka laga yimaado Awdal waa dhul somaaliyeed oo dadka ku nool ku faanaan asalkood. Waligood cid kale kuma abtirsadaan aan somaali ahayn. Qarnigii 12aad ka soo bilow markii ay Hana qaadeen borqotooyooyinkii islaamka ahaa ummadayadu waxay safka hore kaga jirtay jihaadka lagula jiray axmaaro iyo Boortaqiiska. Imaam Sacaadadiin cidaankiisa waa jiida midig oo ugu adkayd hogaaminayay imaam Siciid oo Gadabuursigu intiisa badan ka tafiirmay. Waa qarnigii 14aad.
Axmad Guray halku la maray axmaaro ku noqon mayno oo waa taariikh dheer oo cad cid walbina taqaan. Ma aha tan « mujaahidiinta » cusub oo dajida axmaarada ku soo ababay qarkoodna bakhtiga iyo hilibka qaydhiin ka soo dhargeen. Ugaasyada Gadabuursi oo hada Ugaas Cabdirashiid u yahay kii 19aad waxay u taagnayeen difaacida dhulka somaaliyeed iyo islaamkaba. Ugaas Nuur kii 2aad oo fadhigiisu ahaa Saylac wuxu aha kii u dambeeyay ee dagaalada adag la galay axmaaro qarnigii 19aad. Wuxuu ka difaacay Saylac oo u jabiyay cidaankoodii uu watay Ras Tafare halka loo yaqaano Ceel Gaal ee ku taal banka Giriyaad. Ceel Gaal sidaa ayuu ku baxay waayo meydii axmaarada oo tiro beel noqday ayuu Ugaasku amray in xabaal wadareed lagu aaso. Sidaa ayaana degmadaa magacu ugu baxay.
Ugaas Nuur cidaankii dhankaa iyo Harar ayuu gaadhsiiyay isaga oo saldhig ka dhigtay Fayaan Biiro. Dagaalkii ugu xuma ayaa halkaa ku dhex maray ciidaankii somaaliyeed ee Ugaas Nuur iyo Ras Makonen kii xabashida ciidankiisi, dagaal socday 7 maalmood. Aakhirkii waa laga adkaaday ciidankii Gadabuursi ee Ugaas Nuur. Marka warkii soo gaadhay Ugaas Nuur waa ka tirinaya tixda uu ku tawaawacayo ee ku bilaabayo « tolkayow hadaad garanaysaan xalay taah ma ladine ».
Dadkaas ayay ahaayeen ummadayadu somaalinimo iyo islaamnimo ku abtirsada una dhinta geeska Africa oo dhana ka difaaci jiray Gaal iyo Axmaar. Waa ummada somaaliyeed ee kaliya ee gumaystuhu markii uu yimid mandaqadan Saylac kaga saxeexday harag Anglo-Gadabuursi Treaty u caalamku u yaqaano oo ku qoray in dhulkooda aan kaniisad laga dhisi karin, caruurta gumaystuhu ku dhalan karin. Isla Ugaas Nuur ayuu aha kii sidaa yeelay ilaahay ha karaameeyo. Been madow reerkiisuna waa kuwii Berbera dagta kaga soo qaadi jiray ninka ingiriiska ah sidii adoomaha.
Ugaas Doodi wuxu ahaa aqoon yahay somaaliyeed oo 1940 bilaabay ololle lagaga soo horjeedo joogitaankii Ingiriiska iyo is afgarad Boqorkii Ethiopia iyo gumaystaha dhex maray oo dhulka Hawd iyo reserve Area lagu siinayo xabashida, waa dhulkan haatan Kililka 5aad ee Ethiopia ah. Madaxdii beesha Isaaq way ogolayeen marka. Ugaas Doodi marku taageero ka waayay wuxu tagay Muqdhisho halkaa oo isaga iyo Ugaas Xasan ay ka soo saareen warqad cabasho ah ama Petition oo ay ku diidayaan dhul wareejintaasi. Ugaas Doodi markii uu Awdal ku soo labtay waa la xidhay oo loo mustaafuriyay Seychelles muddo 8 sano ah intii dhulka la wareejinayay. Taariikhda gayiga waqooyi waa Ugaas ka kaliya ee loo xidhay loona mustaafuriyay mudo intaa leeg qadiyad somaaliyeed awgeed.
Ku darso oo ugaas Cabdirashiid aabihii, Ugaas Rooble isaga oo jihaadaya ayay axmaaradu ku dishay Jigjiga 1977 intii dagalku uu bilaabmin. Wuxuu abaabulayay kacdoon lagaga soo horjeedo axmaarada lana rabay in dhulka somaalida lagaga kiciyo. Awdal state waxay ku qotonta halgankaa soo jireenka ahaa ee somaalinimo iyo islaamnimo idinkuna gaal jacayl iyo gumaysi kalkaal waa caadadiina.
La Kala taariikh wanaagsan waa marka laga hadlayo ta saxda ah een ahayn tan beenta madow ah ee ku suntan « mujaahidka » dajida axmaarada ku ababay.
Add comment
Comments