Damaca Ethiopia waa ku qota dheer

Published on 7 July 2024 at 01:37

Waxa Baraha bulshada aan ka arkaynay dhalintii la qalday ee u heesay jacaylka Ethiopia oo abaalgud lagu siinayo Hargeisa. Waa dhalin 20tan jira ah oo waxba aan ka ogayn taariikhda geeska Africa iyo hirdanka soo jireenka ah. Kuwan sidan u marin habaabinaya ubadkeena waa kuwii gacansaar ka la lahaa xabashida. Mingistu iyo Abiy waa iskugu mid, waa madaxdooda, waa barayaadhooda siyaasada u yeedhiya.

Abiy oo la hadlayay baarlamaanka dalkiisa ayaa si quudhsi ah uga hadlay arinta badda. Wuxuu yidhi madaxda dalalka geeska Africa ayaan ka dalbanay in ay bad na siiyaan jawaabna waan ka waynay. Markaasan galnay MOU gan laga qaylinayo. Shan arin ayaa lagala soo baxayaa hadal kaa :

1. Been aan gabbasho lahayn: 2018 Isla Abiy iyo Farmaajo ayaa galay heshiis maalgashi oo 4 dakadood oo somaaliya ah, iyo in lagu wada noolaado daris wanaag. Heeshiiskii oo qoran hoos ka eeg.

2. Ta kale, Ethiopia waxay heshiis kula jirta jabuuti oo wax uga soo dagan. Waxa kale oo ay hore u gashay heshiiskii dekeda Berbera oo ay oofin wayday oo ay kaga baxday kooxihii kale. Waxa ay rabtaa ma yahay deked iyo maalgashi mise dhul badda ku teedsan ayay rabtaa Ethiopia ? Caqligii wanaagsani wuu garan karaa damaca guracan ee Ethiopia.

3. Abiy wuxuu u daqmayaa sidii ruux aan war ka hayn xeerarka aduunka. Dalalka jaarka ayaan waydiisanay bad oo way noo jawaabi waayeen, ma haweenay gabadha jarkeeda milix waydiisanaysaa ? Dhul iyo bad miyaa sidaa la isku siiya ? Xeer UN ka ee Badaha waxa ku cad in dalalka aan bad lahayn heeshis la galaan kuwa ay deriska yihiin, kuwa badaha leh iyaguna u sahlaan kuwaa deriskooda ah sidii ay u isticmaali lahaayeen dekedahooda. Meelna laguma xusin kii bad lihii kaan bad lahayn wax ha ka siiyo.

4. Haddii dalalka deriska ahaa ay u jawaabi waayeen, maxay Ethiopia ku dooratay Somaalia ? Maxa keenay somaliland oo gayn waayay puntland ? Halkan waxa jooga dad iyaga wakiil toosa uga ah diyaarna u ah in ay wax walba ku badashan in ay somaali ka baxaan.

5. Ethiopia oo cilaaqaad qota dheer ay leeyihiin Israel waxa ay adeegsanaysaa khidadii yahuuda ee ahayd : « Horta moran geli, ka dibna ku gorgortan. » waa sida dhulka falastiin lagu qaatay. Waxaad aragteen kulankii Turkiga in wasiirkii Ethiopia la yimid fikir kaaso kale ah. Dooda Ethiopia ayaa taagan badan in aan helnaa waa muqadas. Dooda waxay u rarayaan Sideen ku helayna oo hadalku wuxuuba ka tagayaa « wadan aan bad lahayn ayaa tahay oo aad ahaanaysaa ». Waa khidad somaalidu intooda badani aanay fahansanayn.

Sheekadu waa sidii diinkii lagu yidhi waa lagu tashaday oo waxa lagu tashaday in berri lagu cuno ee yidhi : « shirka la iigu tashaday ilaahay miyu joogay ? »

Add comment

Comments

There are no comments yet.