Kulan xasaasi ah ayaa qasriga madaxtooyda jabuuti ku dhex maray wafdiga uu hogaaminayo Hogaamiye Firdhiye ee maamulka SSC-Khaatumo. Sida warar hoose oo u helay wargeyska 4ta Febraayo ay tibaaxayaan in la isla soo qaaday dagaalkii lagu riiqday ee Laascanood ku dhex maray somaalidiidka iya dadka deegaanka. Dowladda Jabuuti ayaa ka garowday tacadiyada halkaa ka dhacay una rajaysay ummadda Khaatumo in ay ka soo kabtaan.
Waxa laga wada hadlay oo kale dardar galinta xidhiidh dhow oo ay yeeshaan maamulka SSC-Khaatumo iyo dowlada Jabuuti. Madaxwayne Ismaciil ayaa balan qaaday in uu Kala shaqaynayo Firdhiye dhib u dhiska iyo dib u dajinta dadkii barakacay. Dowladda jabuuti ayaa sidoo kale ku cadaadin doonta Dowladda Federalka sidii ay aqoonsi buuxda u siin lahayd SSC-Khaatumo.
Tani waa u dhimasho labaad maamulka somaalidiidka ah ee Hargaysa ka dib markii bishii june lagu soo dhaweeyay hogaanka Awdal State Movement dalka Jabuuti loona balaqay albaabo badan.
Add comment
Comments